Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Mudane Abdulkadir Ali, iyo Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise oo ka tirsan Xarunta Isku-duwidda Hawlgallada Wadajirka ah (JOCC), ayaa ka qaybgalay kulan aqoon-is-weydaarsi farsamo oo ku saabsan diyaar-garowga fatahaadaha, samatabbixinta bulshada iyo ilaalinta hantida iyo ilaha nololeed.
Aqoon-is-weydaarsiga waxaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha rayidka ah iyo ciidamada amniga, gaar ahaan iskaashiga rayidka iyo militariga (CIMIC), qorsheynta waddooyinka daadgureynta, gaadiidka gurmadka, taageeridda dadka nugul iyo ilaalinta kaabeyaasha muhiimka ah.
Ugu danbeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo diyaar-garowga fatahaadaha, lana mideeyo dadaallada hay’adaha ay khusayso si loo badbaadiyo nolosha dadka, loo ilaaliyo hantida iyo ilaha nololeed, loona yareeyo saameynta musiibooyinka. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo iskaashi iyo isku-duwid joogto ah, si bulshada khatarta ku jirta loogu helo gurmad degdeg ah.

