Baarlamaanka JFS oo maanta warbixin ka dhageystay Hantidhowrka Qaranka

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Baarlamaanka JFS ayaa maanta dhageystay Warbixin Baaris Hantidhowr madax-bannaan oo markii ugu horreysay taariikhda lagu sameeyay Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka waxaa dhanka aaladda Zoomka ka qeyb galay Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Axmed Ciise Guutaale, sidoo kale waxaa kulanka joogay Ku-xigeennada Hantidhowraha Guud, Guddoomiyaha Guddiga, Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan), Guddoomiye-ku-xigeenka iyo Xoghayaha Guddiga.

Baaristan, oo ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah, ayaa qeyb ka ah hannaanka kormeerka iyo isla-xisaabtanka Baarlamaanka, waxaana lagu qiimeeyay gudashada waajibaadka Xafiiska, u-hoggaansanaanta shuruucda iyo halbeegyada xirfadeed ee hantidhowrista.

Natiijooyinka la soo bandhigay ayaa muujiyay horumarka uu Xafiisku sameeyay iyo dhinacyada u baahan horumarin dheeraad ah.

Mas’uuliyiinta Guddiga ayaa bogaadiyay tallaabadan, iyagoo muujiyay kalsoonida ay ku qabaan in natiijooyinka baaristan ay gacan ka geysan doonaan xoojinta hufnaanta iyo waxqabadka Xafiiska.

Baaristan ayaa ka dhigan tallaabo taariikhi ah oo muujinaysa sida ay Xafiiska Hantidhowrka Guud uga go’an tahay in madax-bannaanidiisa hay’adeed ay barbar socoto daahfurnaan, isla-xisaabtan iyo u-hoggaansanaanta kormeerka sharciyeed ee Baarlamaanka.