Dowladaha Soomaaliya iyo Japan oo ka wada hadlay xoojinta Xiriirka Labada Dal

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS,Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Dalka Japan u fadhiya Kenya, ahna Safiirka aan degganayn ee Japan u qaabilsan Soomaaliya Danjire Matsuura Hiroshi.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo ballaarin lahaa loona xoojin lahaa iskaashiga Labada Dal, iyadoo laga duulayo Saaxiibtinimada soo jireenka ah iyo sida ay uga go’an tahay Labada Nabadda, Xasilloonida iyo Horumarka.