Rome-(Wargeyska Dalka)-Taliyaha Taliska Tababarka iyo Dokrtariinka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Axmed Ciise Axmed, iyo Wafdi Saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa booqasho Shaqo ku tagay Dalka Talyaaniga.
Sarreeye Guuto Axmed Ciise Axmed ayaa booqday Taliska Tababarka iyo Doktariinka ee Dalka Talyaaniga, oo Xaruntiisu tahay magaalada Torino, Dugsiga Ciidamada Gaarka ah ee Talyaaniga iyo Xarumaha Waxbarasho iyo Tababar ee hoos yimaada Taliska Tababarka ee Dalkaas.
Taliyaha Taliska Tababarka iyo Doktariinka CXDS ayaa kulan la yeeshay Madaxda dhiggooda ah ee Taliska Tababarka iyo Doktariinka ee Dalka Talyaaniga, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta wada-shaqeynta iyo Iskaashiga dhinacyada Tababarka, horumarinta Aqoonta iyo xirfadaha Ciidamada, iyo sidii loo ballaarin lahaa taageerada Talyaanigu siiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka Iskaashi ee ka dhexeeya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dhiggooda Talyaaniga, gaar ahaan dhinacyada Tababarka, horumarinta tayada Ciidamada iyo kor u qaadista awoodda hawlgal ee CXDS.

