Rai’yi. ‘Dhirbaaxo Istaraatiiji ah oo ku dhacday Giriiga iyo Israa’iil’

Baarlamaanka Liibiya ayaa tallaabo siyaasadeed oo miisaan culus leh qaaday, kaddib markii uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey heshiiskii Xuduudaha Badda ee Turkiga iyo Liibiya ay kala saxiixdeen Sannadkii 2019-kii. Go’aankan ayaa dib u soo nooleeyey muran muddo dheer ka dhex aloosnaa Turkiga, Giriiga, Masar iyo Israa’iil, gaar ahaan dhinacyada Xuduudaha Badda, Khayraadka Tamarta iyo saamaynta Istaraatiijiga ah ee Bariga Mediterranean-ka.

Heshiiskii 2019: Sida Turkigu u garab istaagay dowladdii Tripoli

Si aynu u fahanno miisaanka go’aankan, waxa muhiim ah in dib loo xusuusto duruufihii uu ku dhashay heshiiska.

Sannadkii 2019, Turkiga ayaa heshiis Badeed iyo mid Amni la galay Dowladdii Midnimada Qaran ee Liibiya, oo fadhigeedu ahaa Caasimadda Tripoli, isla markaana ay Qaramada Midoobay aqoonsanayd.

Wakhtigaas, Ciidamada uu hoggaaminayey Janaraal Khaliifa Xaftar ayaa guluf milatari ku hayey Tripoli, iyaga oo doonayey inay la wareegaan Caasimadda. Taageeradii Milatari ee Turkiga ayaa door muhiim ah ka qaadatay difaaca Dowladda Tripoli iyo dib u riixiddii Ciidamada Xaftar.

Heshiiska Badda iyo Iskaashiga Amniga ayaa sidaas ku noqday qayb ka mid ah xiriir Istaraatiiji ah oo labada dhinac u dhexeeyey, kaas oo aan ku koobnayn oo keliya arrimaha Milatariga, balse sidoo kale taabanayey khayraadka Badda iyo saamaynta Juqraafi-siyaasadeed ee Gobolka.

Maxaa heshiiska ka dhigay mid muran badan dhaliya?

Heshiiska Turkiga iyo Liibiya si isku mid ah looma wada soo dhowayn. Giriiga ayaa si adag uga horyimid, isaga oo ku doodayey in heshiisku aanu si caddaalad ah u tixgelin xuquuqda Badeed ee Jasiiradaha Giriigga.

Khilaafkan ayaa salka ku haya fasiraado kala duwan oo laga bixiyo sharciga caalamiga ah ee Badda, gaar ahaan sida loo go’aamiyo xuduudaha Badaha marka jasiirado iyo xeebaha dalal kala duwan ay isku dhow yihiin.

Dhanka kale, Masar iyo Giriiga ayaa iyaguna yeeshay Iskaashi siyaasadeed iyo mid Badeed oo ay kaga soo horjeedaan heshiiska Turkiga iyo Liibiya. Khilaafkani wuxuu qayb ka noqday loollan ballaaran oo ku saabsan awoodda iyo khayraadka Bariga Mediterranean-ka.

Haddaba, su’aasha muhiimka ahi waxay tahay: Maxaa heshiiskan ka dhigaya mid istaraatiiji ahaan muhiim ugu ah Turkiga, isla markaana caqabad ku noqon kara qorshayaasha Giriiga iyo Israa’iil?

Giriiga: Loollanka xuduudaha Badda

Turkiga iyo Giriiga ayaa muddo dheer isku hayey arrimo la xiriira xuduudaha Badda, hawada iyo xuquuqda ka dhalata jasiiradaha ku yaalla Badda Aegean-ka iyo Bariga Mediterranean-ka. Giriigu wuxuu ku doodaa in Jasiiradihiisu xaq u leeyihiin Aagag Badeed oo waafaqsan Sharciga Caalamiga ah, halka Turkigu uu ka soo horjeedo fasiraadaha uu aaminsan yahay inay si xad-dhaaf ah u xaddidayaan Marin-Badeedkiisa.

Heshiiska Turkiga iyo Liibiya ee 2019-kii ayaa Labada Dal u sameeyey xuduud Badeed oo ay iyagu isku raaceen, taas oo Turkigu u arko inay xoojinayso sheegashadiisa ku saabsan Aagagga Badda ee uu danaynayo. Sidaas darteed, ansixinta heshiiska ee Baarlamaanka Liibiya waxay Turkiga siinaysaa taageero siyaasadeed oo dheeraad ah, inkasta oo heshiiska iyo saamayntiisa sharci ay weli qayb ka yihiin muran caalami ah.

Israa’iil maxaa ka khuseeya heshiiskan?

Halkan ayay arrintu ka noqonaysaa mid ka sii ballaadhan khilaafka Turkiga iyo Giriiga.

Israa’iil waxay leedahay goobo Gaas dabiici ah oo muhiim ah oo ku yaalla Bariga Mediterranean-ka, kuwaas oo qayb ka ah qorshayaasheeda dhoofinta Tamarta. Mid ka mid ah Suuqyada ugu waaweyn ee ay danaynayso waa Yurub, halkaas oo Dalal badan ay raadinayaan ilo tamareed oo kala duwan.

libiya1.jpgMuddo ayaa laga hadlayey mashruuca dhuumaha Gaaska ee loo yaqaan EastMed, kaas oo loogu talagalay in gaaska Bariga Mediterranean-ka loo gudbiyo Yurub, iyada oo la adeegsanayo Waddo Badeed oo dhex marta agagaarka Qubrus iyo Giriiga.

Mashruucan ayaa la xiriiray qorshayaal ay taageerayeen Israa’iil, Giriiga iyo Qubrus, balse waxa soo food saaray caqabado siyaasadeed, farsamo iyo Dhaqaale.

Turkigu, dhankiisa, wuxuu aaminsan yahay in heshiiska uu Liibiya la galay uu xoojinayo booskiisa Joqraafiyeed iyo saamayntiisa ku aaddan qorshayaasha Tamarta ee Gobolka.

Haddii la doonayo in dhuumo Gaas oo cusub la mariyo qaybo ka mid ah Aagagga Badda ee muranku ka taagan yahay, heshiiska Turkiga iyo Liibiya wuxuu noqon karaa arrin saamayn ku yeelata wada-xaajoodyada iyo xisaabaha Istaraatiijiga ah ee dhinacyada ku lugta leh.

Turkiga: Marin Istaraatiiji ah oo Tamarta Yurub ku xiran.

Turkigu muddo dheer ayuu doonayey inuu noqdo marin muhiim ah oo isku xira ilaha Tamarta ee Bariga iyo Suuqyada Yurub. Joqraafi ahaan, wuxuu ku yaallaa meel isku xira Aasiya, Yurub iyo Bariga Dhexe, taas oo siinaysa muhiimad gaar ah marka laga hadlayo dhuumaha Gaaska iyo Waddooyinka Ganacsiga.

libiya.jpgHeshiiska Liibiya wuxuu Turkiga u abuuraa fursad uu ku xoojiyo sheegashadiisa Badeed iyo saamayntiisa Gobolka. Waxa kale oo uu qayb ka yahay dadaalka Ankara ay ku doonayso inaan laga go’doomin qorshayaasha Tamarta ee Bariga Mediterranean-ka.

Gunaanad: Heshiis ka weyn xuduud Badeed.

Ansixinta heshiiska Badda ee Turkiga iyo Liibiya waxay dib u xoojinaysaa muhiimadda uu heshiiskaasi u leeyahay siyaasadda Bariga Mediterranean-ka. Waxay Turkiga siinaysaa fursad uu ku sii adkeeyo xiriirkiisa Liibiya, isla markaana ay u suuragelin karto inuu codkiisa ku yeesho doodaha ku saabsan khayraadka Badda iyo mustaqbalka Tamarta Qaaradda Yurub.

Giriiga, tallaabadani waxay dib u soo noolaynaysaa khilaafkii xuduudaha Badda. Israa’iilna, inkasta oo aan heshiisku si toos ah u burinayn qorshayaasheeda Tamarta, haddana wuxuu qayb ka noqon karaa duruufaha Joqraafiyeed ee saamaynaya qorshayaasha dhoofinta Gaaska.

Ugu dambayn, loollanka Bariga Mediterranean-ku ma aha oo keliya muran ku saabsan xuduudaha Badda; waa tartan ku saabsan Tamarta, Amniga, Marin-Biyoodka iyo cidda yeelanaysa saamaynta ugu weyn ee Gobolka. Heshiiska Turkiga iyo Liibiya wuxuu ka mid yahay tallaabooyinka muhiimka ah ee qaabaynaya loollankaas, waxaana la arki doonaa sida uu u saamayn doono xiriirka Dalalka Gobolka Sannadaha soo socda.

Heshiiska ayaa la xiriira xuduudaha Badda iyo sahminta Shidaalka iyo Gaaska ee Bariga Badda Mediterranean-ka.

Turkiga ayaa soo dhaweeyay go’aanka, kaas oo sidoo kale muujinaya isku soo dhowaanshaha xidhiidhka Ankara iyo Maamulka Khaliifa Xaftar, iyadoo laga cabsi qabo inuu kordhiyo xiisadda Gobolka.

 

Waa Rai’yi Qofeed

 

W/Q : Aidarouss Ahmed Hirsi