Nidaamka IATA-BSP oo fududeynaya iibinta Tikidhada Diyaaradaha (WARBIXIN)

Dib u soo celinta nidaamka Caalamiga ah ee Tigidhada Diyaaradaha ee IATA-BSP ayaa Soomaaliya u furaysa bog cusub oo horumarinta duulista Rayidka ah, kobcinta Ganacsiga iyo Dalxiiska, iyo xoojinta isku-xirka Dalka iyo Dunida inteeda kale. Waxa kale oo ay fududaynaysaa wada shaqaynta Shirkadaha Diyaaradaha Caalamiga ah, isla markaana kor u qaadaysaa hufnaanta iyo habsami-u-socodka Suuqa duulimaadyada Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa Toddobaadkan gaartay guul muhiim ah oo ah dhinaca duullimaayada hawada sare ka dib markii Maareeyaha Hay’adda duulista Soomaaliya Axmed Macallin uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in Soomaaliya la soo wareegtay nidaamka AITA- BSP, kaas oo ah nidaamka isku xira Shirkadaha iibiya Tigidhada Diyaaradaha iyo Diyaaradaha Caalamiga ah.

Nidaamkan  oo markii hore ahaa mid jira oo ai madax bannaan looga goosan jirey Waddamada Caalamka, haddase waxa la soo wareegtay Dowladda Soomaaliya oo u dhaxaynaysa Diyaaradaha Tigidhada laga doonayo iyo Shirkaddaha jara Tigidhada Caalamiga ah.

Tusaale ahaan, haddii aad u baahan tahay in aad u dhoofto Dalka Ingiriiska, Travel agency Tigidhka kuu jarayaa waxa uu ku khasban yahay in uu dhex maro nidaamka ay Soomaaliya gacanta hadda ku hayso AITA.

“Dalkeenna wuxuu sameeyay horumar deg deg badan oo la xiriirka nidaamka duulista Caalamiga ah, taasi waa waxa keenay booqashadan Taariikhiga ah ee Maanta ay Muqdisho ku soo gaareen hoggaanka sare ee IATA.” ayuu yiri Maareeye Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan.

KU XIGEEN.jpgBooqashada Wafdiga IATA, ayaa sidoo kale la xiriirta ka qaybgalka dib u soo celinta nidaamka Caalamiga ah tigidhada ee IATA-BSP,oo markii u horreysay ay Soomaaliya dib ula soo laabanayso tan iyo burburkii Dalka, kaasoo ah hannaan Caalami ah oo Soomaaliya u furaya waddo cusub oo lagu horumarinayo adeegyada duulista, lagu fududaynayo iibinta Tikidhada diyaaradaha, laguna xoojinayo Xiriirka Dalka iyo Dunida.

Dib u soo celinta nidaamka Caalamiga ah Tigidhada ee IATA-BSP, iyo xoojinta Iskaashiga 35 jirsaday ee u dhaxeeya Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed iyo Ururka Gaadiidka Cirka Adduunka (IATA), ayaa Munaasabad la xiriirta arrintaasi waxay Berri 18-kii October 2026, ka dhicay Magaalada Muqdisho, halkaa oo sidoo kale lagu soo bandhigay hayaanka Hay’adda duulista iyo wajiga xiga oo ah qorshaha ay Hay’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed isugu diyaarinayso kormeerka iyo qiimeynta ICAO.

IATA1.jpgHaddaba Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay dib-u-soo celinta Nidaamka Caalamiga ah ee Tigidhada Diyaaradaha ee IATA-BSP, kaas oo Soomaaliya ay dib u hanatay 35 sano kaddib.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in dib usoo celinta nidaamkan ay ka dhalatay dadaal dheer, dib-u-habeyn Hay’adeed, diyaarinta Xeerar, siyaasado iyo tababbaridda shaqaale awood u leh in ay la wareegaan Masuuliyadaha Maamulka hawada, isaga oo xusay in ay Soomaaliya horumar ka samaysay dhinacyo kala duwan, oo ay ka mid yihiin kobaca dhaqaalaha, deyn-cafinta, ku biirista Bulshada Bariga Afrika iyo la wareegista amniga Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha, oo bogaadiyey dadaallada Wasaaradda Gaadiidka, Duulista Hawada iyo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, ayaa kula dardaarmay in la dardargeliyo Horumarinta iyo tayeynta Garoomada Diyaaradaha, Maamulka hawada Dalka iyo adeegyada duulimaadyada , si kor loogu qaado tayada adeegga ay heelaan shacabka iyo Shirkadaha diyaaradaha, loona xaqiijiyo isku-xirnanta Soomaaliya iyo dunida.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in isku-xirka hey’adaha dowladda iyo dib u dhiska awoodaha Qaranka ay laf-dhabar u yihiin soo Kabashada Soomaaliya, isaga oo sheegay in Dalkeennu leeyahay fursado Maalgashi oo waaweyn oo ay ka mid yihiin dhinaca Gaadiidka, Beeraha iyo wax-soo-saarka kala duwan ee ka jira Dalka, maadama uu Dalkeennu ku yaalo aag Istaraatiiji ah oo isku xiraya dhammaan Qaaradaha Dunida.

“Waxa aan ugu hambalyaynayaa Bulshada Soomaaliyeed tallaabadan weyn ee aynu maanta qaadnay, waxaa naga go’an in la sii horumariyo oo la tayeeyo Hay’adaha Qaranka. Waxa aan hubaa in aynu gaari doono Dunida horumartay ee aynu dib-uga harnay 30-ka sano. Dowladda Soomaaliyeed waxa ka go’an in Dalkeennu uu ku tallaabsado horumar baaxad leh”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Kamil Al-Awadhi, Madaxweyne ku-xigeenka Ururka Gaadiidka Cirka Caalamiga ah (IATA) ee Afrika iyo Bariga Dhexe, ayaa hadal ka jeediyey daahfurka rasmiga ah ee dib u soo celinta IATA-BSP ee Soomaaliya, taasoo muujinaysa iskaashiga IATA iyo duulista Rayidka Soomaaliyeed iyo isku-xirka Caalamiga ah.

Mas’uuliyiintii Munaasabadaasi ka hadlay waxaa kaloo ka mid ahaa Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Pier Mario Daccò Coppi, wuxuuna yiri:- “Soomaaliya waxaa ay ku tulaabsatay hormaro dhanka duulimadyada waana guul weyn”.

Safiirka Boqortooyada Ingiriiska UK ee Soomaaliya Charles King oo isna halkaasi ka hadlay ayaa isn yiri:- “Daahfurka IATA waa nidaam casri ah oo horumar u ah Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed”.

Ugu dambeyntii Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo celisay nidaamka Caalamiga ah ee Tigidhada Diyaaradaha ee IATA-BSP, kaddib muddo 35 sano ah. Waa guul Taariikhi ah waxay guushaan ka mid tahay guulaha is daba jooga ah ee ay ku talaabsaneyso Dowladda hadda jirta. Dib u soo celinta nidaamkan waxay bog cusub u furaysaa Suuqa duulimaadyada Soomaaliya, dhiirrigeliso kobaca Ganacsiga iyo Dalxiiska, xoojiso isku-xirka Soomaaliya iyo dunida inteeda kale iyo fududeynta wada shaqaynta shirkadaha Diyaaradaha caalamiga ah.

Guusha Taariikhiga ah ayaa lagu kala saxiixday Muqdisho, isagoo goob joog uu yahay Ra’iisal Wasaaraha Ummadda Soomaaliyee Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Nidaamka IATA-BSP wuxuu fududeynayaa iibinta Tikidhada Diyaaradaha iyo habraaca lacag-bixinta ee Shirkadaha Diyaaradaha iyo Wakaaladaha Socdaalka, isagoo kor u qaadaya hufnaanta Maaliyadeed iyo Xiriirka Soomaaliya la leedahay Suuqa duulista Caalamiga ah.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa Xarunta guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Afrika iyo Bariga dhexe ee Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA), Mudane Kamil H. Al-Awadhi iyo Wafdi uu hoggaaminayay oo ka socda IATA oo booqashadii u horreysay ku jooga Soomaaliya.

Inta ay booqashadan socotay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa warbixin ka siiyay howlaha horumarineed ee ka socda xarunta dhexe.

KAMIL.jpgMudane Kamil H. Al-Awadhi, ayaa intaa ka dib kormeer ku tagay qaybaha muhiimka ah ee Xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, isagoo Warbixinno ka dhageystay Howlwadeennada Hay’adda. Kulamada iyo kormeerkan ayaa qayb ka ah booqasho Taariikhi ah oo Wafdiga IATA ay ku soo gaareen Dalka,taasoo socotay muddo Seddex Maalin ah.