Dowladaha Soomaaliya iyo Marooko oo iska kaashanaya sare u qaadista Dhaqaalaha Labada Dal

Rabat-(Wargeyska Dalka)-Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo booqasho ku jooga dalka Morooko ayaa kulamo la yeeshay Hay’ado iyo Wasaarado kala duwan oo Dalkaas ah, kuwaas oo diiradda lagu saaray xoojinta Iskaashiga Labada Dal ee dhinacyada Dhaqaalaha, Tamarta, Macdanta, Batroolka, Biyaha iyo Beeraha.

Wafdigu wuxuu la kulmay Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Morooko, Hay’adda Korontada ee MASEN, Xafiiska qaabilsan Macdanta iyo Haydrojiinta, iyo Wasaaradda Beeraha, iyadoo kulamada lagu falanqeeyay sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa horumarinta Tamarta laga dhaliyo Qorraxda iyo Dabaysha, kobcinta Aqoonta iyo Xirfadaha Macdanta iyo Batroolka, iyo xoojinta wax-soo-saarka Beeraha.

Hay’adda MASEN ayaa ballanqaadday inay Soomaaliya kala shaqayn doonto horumarinta Tamarta Qorraxda iyo Dabaysha, halka dhinaca Macdanta iyo Batroolkana lagu heshiiyay Iiskaashi farsamo iyo tababbarro loo fidiyo Shaqaalaha Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaa la isla qaatay in Wasaaradaha Beeraha ee Labada Dal ay ka wada shaqeeyaan heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo Iskaashiga Beeraha.

Wafdiga Soomaaliya waxaa qayb ka ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Ganacsiga iyo Agaasimayaal, Maareeyayaal iyo Mas’uuliyiin kale oo ka socda Rugta Ganacsiga Soomaaliya iyo Ururrada Bangiyada Dalka.

Kulamadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu ballaarinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Morooko, laguna horumarinayo fursadaha Maalgashi, Aqoon-is-weydaarsiga iyo kobaca Dhaqaalaha Dalka.