Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr; Cali Xaaji Aadam, ayaa si rasmi ah u furay Shirka Isku duwidda Hawlaha Caafimaadka Soomaaliya iyo Qiimeyn sannadeedka Mideysan (Somali Health Sector Coordination and Joint Annual Review JAR, kaas oo lagu lafa gurayo xaaladda Caafimaadka dalka iyo sii loo sii ballaarin lahaa xanaanka isku duwidda Caafimaadka.
Shirka waxaa ka qeyb galey Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maryama Mohamed Hussein, Madaxda iyo agaasimayaasha guud ee Wasaaraddaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada dalka, agaasime waaxeedyo iyo agaasimayaasha Isbitaalada dowliga ah, iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera horumarinta qeybta Caafimaadka dalka.
Inta uu socdo shirka, waxaa diiradda lagu saari doonaa horumarinta Qorshaha Caafimaadka Qaranka, dib-u-eegista mashaariicda socda, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha kala duwan ee caafimaadka, iyo dardargelinta isku-duwidda dadaallada lagu horumarinayo nidaamka caafimaadka Soomaaliya.
Sidoo kale, shirka waxaa lagu falanqeyn doonaa waxqabadka la gaaray, caqabadaha jira, iyo fursadaha lagu ballaarin karo helitaanka adeegyo caafimaad oo tayo leh, loo siman yahay, isla markaana gaara dhammaan gobollada dalka.
Wasiirka Caafimaadka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda dhammaan dhinacyada ku howlan horumarinta caafimaadka, si loo xaqiijiyo hirgelinta qorshayaasha caafimaadka qaranka, loona helo adeegyo caafimaad oo waxtar leh, casri ah, kana jawaabaya baahiyaha bulshada Soomaaliyeed.
Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ay ku xoojinayso wada-shaqeynta dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo horumariyo loona ballaariyo adeegyada caafimaadka ee dalka.

