Guddiga Doorashada Qaranka oo muddeeyay Doorashada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shaaciyay Jadwalka Guud ee Doorashada Guddoonka iyo hoggaamiyaha Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle.

Guddiga ayaa 19-Octoober 2026, u qoraheeyay shaacinta Golaha Wakiillada Hirshabeelle, halka la dhaarinayo 20-Octoober.

21-Octoober 2026, ayaa loo asteeyay in la qabto Araajida musharaxiinta Guddoonka iyo ku-xigeennada.

Maalinta 22-Octoober, waxaa ku beegan hadal-jeedinta iyo musharaxiinta Doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada.

23-Octoober, waxaa la qaban doonaa araajida musharaxiinta hoggaamiyaha iyo ku-xigeenka, halka 24-Octoober 2026-ka ay tahay hadal-jeedinta iyo Doorashada Hoggaamiyaha iyo ku-xigeenka.