Galgaduud(Wargeyska Dalka):-Magaalada Masagawaa, oo hoos tagta Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud, ayaa Maanta laga dhagax-dhigay Xarunta Maamulka Degmada, taas oo loo dhisi doono qaab casri ah, kana qayb qaadan doonta dib-u-dhiska iyo horumarka Deegaanka oo ka soo kabanaya saameyntii Khawaarijta Al-Shabaab.
Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Degmada, Culumaa’udiinka, Haweenka, Dhallinyarada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Deegaanka. Mashruucan waxaa si gaar ah u hirgelinaya Dhallinyaro isxilqaantay oo Deegaanka ka soo jeeda, kuwaas oo uu hoggaaminayo Mudane Aadan Rooble, Agaasimaha Guud ee Bankiga Horumarinta Soomaaliya. Waxaana sidoo kale la qorsheynayaa Mashaariic kale oo horumarineed oo laga fulin doono Magaalada.
Tani waa tusaale wanaagsan oo muujinaya doorka ay Dhallinyaradu ka qaadan karaan dib-u-dhiska Deegaannadooda, xoojinta Nabadda iyo Horumarinta adeegyada Bulshada.



