Doha(SONNA):-Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa Magaalada Doha kula kulmay Xoghayaha Dowladda Spain u qaabilsan Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Caalamiga ah, Mudane Diego Martínez Belío, kulankaas oo dhacay intii ay socotay Madasha Caalamiga ah ee Amniga (Global Security Forum).
Labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa loona horumarin lahaa wejiga xiga ee Iskaashiga Labada Dal, iyadoo Iskaashiga dhinaca kalluumeysigu uu ahaa qodobka ugu muhiimsan ee wadahadallada.
Labada dhinac ayaa isku raacay in la baaro suurtagalnimada qabashada wada tashiyo Siyaasadeed oo rasmi ah, kuwaas oo lagu qaban karo Muqdisho ama Madrid, si loo helo hannaan joogto ah oo labada dal ay ku yeeshaan wadahadal iyo is weydaarsi aragtiyeed, xilli Soomaaliya ay sii ballaarinayso Iskaashiga iyo xiriirka ay la leedahay Dalalka Yurub.



