Galmudug(Wargeyska Dalka):-Xildhibaannada Golaha Wakiillada Galmudug ayaa Guddoomiyaha Golaha u doortay Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne), kaas oo helay 79 cod, halka Musharraxii la tartamayay, Ismaaciil Cabdi Jaamac, uu helay 8 cod.
Sidoo kale, Cabdulqaadir Axmed Cali ayaa loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug.
Dhanka kale, Mursal Cabdi Aadan ayaa loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug.








