Gudaha Wasiir Gaadiidka iyo Duulista hawada ee XFS oo kulan la yeeshay safiirka Kenya ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Duraan Axmed Faarax ayaa kulan la qaatay Safiirka dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya Danjire Lucas Tumbo oo Xafiiska wasaaradda maanta ku soo booqday.

Kulanka oo looga hadlay dhowr arrimood oo muhiim ah isku socodka dadka ee labada ayaa diirada lagu saaray siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta duulimaadyada iyo isku socodka dadka labada dal.

Labada mas’uul ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in la ballaariyo wada shaqeynta ka dhaxeysa labada dowladood si loo dhowro sharafta iyo madax banaanida labada dal.