Xildhibaanada Golaha Wakiillada Galmudug oo dooranaya Guddoonkooda

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta dooranaya Guddoonkooda, waxaana Guddoomiyaha iyo Labadiisa ku xigeen u tartamaya afar Musharax oo khudbadahooda ka hor-jeediyey Xildhibaanada.

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, Guddiga Doorashooyinka, Dowlad Goboleed Galmudug iyo Marti Sharaf kale ayaa ku sugan Hoolka Doorashada, waxaana dhowaan bilaabaneysa codeynta Xildhibaanada.

Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa qabanaya Doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug.

 

FB_IMG_1792313409163.jpg

FB_IMG_1792313401741.jpgFB_IMG_1792313403898.jpg