FARRIIN: Masiibadu ma sugto Digniin goor hore la helo ayaa nolosha Dadka badbaadisa.

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka (International Day for Disaster Risk Reduction), waxaan iftiimineynaa Mashruuc cusub oo Soomaaliya ka hirgalaya, kaas oo si toos ah loogu gaarsiinayo 1.2 Milyan oo Qof digniino, iyadoo la adeegsanayo fariimaha Taleefanka, dhawaaqyada digniinta iyo Shabakadaha Bulshada.

Sida lagu qoray Bogga Baraha Bulshada ay ku leedahay Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta Barnaamijyada ee UNDP.

Mashruucan waxaa loo socdaa in digniintu gaarto Dalka oo dhan, si ay u yaraato 42% dhimashada ay keenaan Masiibooyinka ilaa Sannadka 2030-ka.

Mashruucan waxaa hoggaamineysa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka SODMA Soomaaliya  iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta UNDP ee ku sugan Soomaaliyaa, waxaana maalgeliya Hay’adda la yiraa Green Climate Fund (GCF).