Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa ka qaybgalaya furitaanka kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).
Kalfadhigaan ayaa diiradda lagu saarayaa wada hadalka iyo Midnimada kaas oo saldhig u ah Nabadda, Amniga iyo horumar waara, iyadoo ajandayaasha kulanka ay mudnaan gaar ah ku leeyihiin qaddiyadda Falastiin iyo xiisadaha Gobolka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay Dowladda Ciraaq ugu hambalyaynaysaa la wareegidda madaxtinnimada Golaha.




