Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir muhiim ah kaga qeyb galay Dalka Ciraaq

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq kaga qaybgalaya furitaanka kalfadhiga 52-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Kalfadhigaan ayaa diiradda lagu saarayaa wada hadalka iyo midnimada kaas oo saldhig u ah nabadda, amniga iyo horumar waara, iyadoo ajandayaasha kulanka ay mudnaan gaar ah ku leeyihiin qaddiyadda Falastiin iyo xiisadaha gobolka.