Mudanayaasha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Mudanayaasha Golaha Aqalka Sare ee BJFS oo Maanta cod Aqlabiyad leh ku ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada ee XFS oo ay Aqalka usoo gudbisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS.

27 Senator ayaa u codeeyay meel-marinta Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada, ma jirin Senator diiday iyo mid ka aamusay intaba.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS Bashiir Maxamed Jaamac ayaa Senatorrada Golaha Aqalka Sare ee Dalka u faah-faahiyay kaalinta uu ka qaadanayo ilaalinta Deegaanka Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Qaran ee Maaraynta Deegaanka, oo Maanta Akhrinta koowaad la marsiiyay.