Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo sagootiyey Saraakiil Dalka dibaddiisa loogu diray Aqoon-Kororsi

Muqdisho(Wargeyska Dalka ):-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa sagootiyey Saraakiil laga soo xulay qaybaha kala duwan ee Taliska Ciidanka, kuwaas oo Dalka dibaddiisa loogu diray Aqoon-Kororsi la xiriira hoggaaminta iyo tayeynta Maamulka.

Saraakiisha ka faa’iideysanaya fursaddan Aqoon-Kororsi ayuu Taliyuhu kula dardaarmay inay uga faa’iideystaan si hufan, iyagoo muujinaya anshax, dadaal iyo Mas’uuliyad dheeraad ah, si ay Aqoonta ay soo bartaan ugu dabaqaan shaqada ay hayaan.

Fursadaha Aqoon-Kororsiga ee la xiriira hoggaaminta wanaagsan iyo Xirfadaha Ciidannimo ayaa Labadii Sano ee la soo dhaafay la kordhiyey, taas oo gacan ka geysatay tayeynta Adeegga Ciidanka Booliiska ee Bulshada iyo Horumarinta Amniga Dalka.

 

FB_IMG_1792231736864.jpg

FB_IMG_1792231722867.jpgFB_IMG_1792231709878.jpgFB_IMG_1792231715159.jpg