Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa ka qaybgalay shirkii 32-aad ee Africa Group 1 ee Bangiga Adduunka, kaas oo uu kaga hadlay gabagabada muddadii labada sano ahayd ee uu wakiilka uga ahaa 22-ka dal ee xubnaha ka ah Guddiga Horumarinta ee Bangiga Adduunka.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyey guddoomiyeyaasha iyo wakiillada dalalka xubnaha ka ah kalsoonida, wada-shaqaynta iyo taageerada ay muujiyeen muddadii uu xilka hayey, isaga oo door muhiim ah ka qaatay doodaha la xiriira horumarinta caalamka iyo mudnaanta dalalka xubnaha ka ah.
Intii uu socday shirka, Wasiirka ayaa xilka ku wareejiyey guddoomiyaha cusub ee matalaya Jamhuuriyadda Sierra Leone, isaga oo u hambalyeeyey, una rajeeyey guul iyo inuu si wanaagsan u guto waajibaadka loo igmaday



.


