Shan boqol oo qoys oo helay deeq raashin ah oo ka timid Sacuudi Carabiya

llaa shan boqol oo qoys oo kamid ah dadka danyarta ah ayaa maanta ka faa’iideystay gurmad raashin ah oo laga fuliyay deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Deeqdaan oo ka koobneyd bur,bariis iyo saliid waxaa dadka danyarta ah soo gaarsiiyay Hey’adda Gargaarka iyo Howlaha Bini’aadanimada ee Boqor Salmaan.

Qoysskaan ayaa ka soo barakacay gobolada dalka,kadib markii ay saameeyeen abaaraha ka jira dalka,waxaana warku intaa ku darayaa in deeqda maanta la siiyay dadkaasi loo qorsheeyay in ay sii isticmaalaan muddo bil ah.

Dhowaan dad gaaraya 1500 oo qoys oo ku sugnaa Degmada Jowhar ayaa helay deeq raashin ah oo ka yimid Dalka Sacuudi Carabiya.