Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka ah.
Shirweynaha ayaa maalintii labaad ka socda Magaalada Muqdisho iyadoo ay sidoo kale ku beegan tahay sanad guuradii 9-aad ee Qaraxii 14-ka October kaas oo 2017 ka dhacay Isgoyska Zoobe islamarkaana galaaftay nolosha kumanaan qof.
Shirweynaha oo maanta lasoo xirayo ayaa gabagabada laga soo saari doonaa warsaxaafadeed.

