Siihayaha Safaarada Soomaaliya ee Morocco oo ka qaybgalay Shir-weynaha Morocco Cybersecurity 2026

Mudane Abdifatah Said Aynab, Sii-hayaha Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Boqortooyada Morocco, ayaa ka qaybgalay shirweynaha Morocco Cybersecurity Week 2026 oo lagu qabtay magaalada Rabat ee dalka Morocco.

Shirweynaha waxaa ka soo qaybgalay safiirro Afrikaan ah, khubaro ku takhasustay amniga internetka iyo dhinacyo kale oo ay khusayso tiknoolajiyadda dijitaalka ah. Ka qaybgalayaashu waxay is-weydaarsadeen aqoon iyo waayo-aragnimo ku saabsan amniga internetka, adkaynta nidaamyada dijitaalka ah, kobcinta awoodda farsamo iyo mustaqbalka dijitaalka ah ee Afrika.

Munaasabadda ayaa sidoo kale fursad u ahayd ka qaybgalayaasha inay ka wada hadlaan caqabadaha ka jira amniga internetka, xoojinta aqoonta farsamo iyo horumarinta iskaashiga caalamiga ah ee lagu ilaalinayo kaabayaasha dijitaalka ah.

Ka qaybgalka Soomaaliya ee shirweynahan wuxuu muujinayaa sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, horumarinta iskaashiga dalalka Afrika iyo taageeridda dadaallada lagu dhisayo deegaan dijitaal ah oo ammaan iyo xasillooni leh.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay sii wadi doontaa iskaashiga ay la leedahay Boqortooyada Morocco iyo saaxiibbada kale ee caalamiga ah, si loo horumariyo amniga internetka, loo xoojiyo wada-shaqaynta farsamo, loona taageero mustaqbal dijitaal ah oo ammaan u ah Afrika.