Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta xafiiska ku qaabilay wafdi ka socda Hawlgalka Kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo (UNTMIS), kaas oo uu hoggaaminayay Ku-simaha Madaxa Hawlgalka, Mudane Raisedon Zenenga.
Kulanka ayaa diiradda loogu saaray wejiga ugu dambeeya ee geeddi socodka kala guurka UNTMIS, xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda iyo amniga dalka Soomaaliya, iyo muhiimadda ay leedahay in xil wareejinta ay xoojiyaan hay’adaha Soomaaliyeed, isla markaana la ilaaliyo guulaha laga gaaray nabad dhisidda iyo dowlad dhiska.
Wasiiru-Dowluhu wuxuu mar kale sheegay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay in geeddi socodka kala guurka uu noqdo mid ay Soomaaliya hoggaamiso, isla markaana waxa uu uga mahadceliyay Qaramada Midoobay iskaashiga muddada dheer ay la lahayd dowladda Soomaaliya.

