-Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka warbixiyay muhiimadda shirweynaha 3-aad ee u Adkaysiga Aafooyinka Soomaaliya oo maanta ka furmay Muqdisho, kaas oo socon doona muddo laba maalmood ah.
Guddoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in Soomaaliya ay muddo dheer la daalaa-dhacaysay aafooyin soo noqnoqda oo sababay dhibaatooyin baahsan, kuwaas oo looga gudbi karo wadajir, cilmi-baaris iyo qorsheyn dhab ah oo lagu gaarayo xalal waara.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr. Ibraahim Maxamed Mursal, oo ka qeybgalaya Meertada 3-aad ee Shirweynaha U Adkeysiga Aafooyinka Soomaaliya (SDRC 2026), oo ka hadlay furitaanka shirka, ayaa xusay muhiimadda aqoonta, cilmi-baarista iyo iskaashiga looga hortagayo aafooyinka soo noqnoqda, laguna dhisayo bulsho adkeysi leh.
Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho waxa uu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo aragti loo dhan yahay iyo xalal waara oo lagu yareeyo nuglaanshaha bulshada.
Waxa uu tilmaamay in aqoonta iyo cilmi-baaristu door muhiim ah ka qaataan fahamka khataraha iyo diyaarinta xalal wax-ku-ool ah, isaga oo ballanqaaday in Jaamacadda Muqdisho ay sii xoojin doonto iskaashiga hay’adaha dowladda, kuwa gaarka loo leeyahay iyo ganacsatada si loo xoojiyo adkeysiga Soomaaliya.
Kulankan oo ay iska kaashadeen Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) iyo Jaamacadda Muqdisho ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirro ka tirsan XFS ,quburo kala duwan iyo cilmi baarayaal taqasus u leh u adkaysiga Aafooyinka.

