Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Dowladda Aljeeriya u fadhiya Soomaaliya danjire Maxamed Caliim.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga soo jireenka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya, gaar ahaan dhinacyada warfaafinta, dhaqanka, dalxiiska iyo horumarinta iskaashiga warbaahinta labada dal.
Labada dhinac ayaa isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha warbaahinta, is-dhaafsiga khibradaha iyo tababarrada xirfadeed, horumarinta dhaqanka, fanka iyo suugaanta, iyo casriyeynta warbaahinta dowladda.
Kulanka kadib, Wasiirka iyo Safiirka ayaa si wadajir ah u booqday qeybaha kala duwan ee Warbaahinta Qaranka oo ay ka mid yihiin Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA), Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV), Radio Muqdisho iyo Kaydka Taariikhiga ah ee Radio Muqdisho.
Sidoo kale waxay booqdeen Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen Hobollada Qaranka ee Waaberi iyo kooxaha ciyaaraha dhaqanka, kuwaas oo soo bandhigay bandhigyo ka tarjumaya hodantinimada hiddaha, dhaqanka iyo fanka Soomaaliyeed.
Safiirka Dowladda Aljeeriya danjire Maxamed Caliim ayaa ka mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee loogu sameeyey xarunta Wasaaradda, isagoo muujiyey sida ay Dowladda Aljeeriya uga go’an tahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada warfaafinta, dhaqanka, fanka iyo suugaanta.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dal, isagoo xusay in wada-shaqeynta dhinacyada warfaafinta, fanka iyo dhaqanku ay door muhiim ah ka qaadan karto horumarinta warbaahinta qaranka, ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka iyo is-dhaafsiga khibradaha labada dal.
Wasiir Cabdifitaax Qaasim ayaa sidoo kale Safiirka uga mahadceliyey booqashadiisa iyo dadaalka uu ugu jiro xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Aljeeriya.
Ugu dambayn kulankan ayaa muujinaya sida ay Soomaaliya iyo Aljeeriya uga go’an tahay sii xoojinta xiriirkooda taariikhiga ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada warfaafinta, dhaqanka, fanka, iyo suugaanta, si loo abuuro fursado cusub oo horseeda is-dhaafsi aqooneed, horumarinta warbaahinta, xoojinta dhaqanka iyo kobcinta xiriirka labada shacab.














