Moscow oo martigelisay Shirka Caalamiga ah ee Global Digital Forum 2026

Magaalada Moscow ee dalka Ruushka ayaa lagu qabtay Shirka Caalamiga ah ee Global Digital Forum 2026, kaas oo diiradda lagu saaray horumarka tiknoolajiyadda, sirdoonka macmalka ah iyo doorka isbeddelka dhijitaalka ah ee horumarinta adeegyada kala duwan.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin, khubaro dhanka tiknoolajiyadda ah, ganacsato iyo wakiillo ka socday hay’ado iyo warbaahin caalami ah, kuwaas oo ka wada hadlay fursadaha iyo caqabadaha la xiriira horumarka dhijitaalka ah.

Ajandaha shirka waxaa qeyb ka ahaa dooddo iyo bandhigyo lagu soo bandhigay adeegsiga tiknoolajiyadda ee fududeynta adeegyada bulshada, horumarinta ganacsiga, ilaalinta xogta iyo dedejinta shaqooyinka maalinlaha ah.

Sidoo kale, waxaa laga hadlay adeegsiga sirdoonka macmalka ah ee warbaahinta, gaar ahaan diyaarinta iyo faafinta wararka, falanqaynta xogta iyo sidii loo xoojin lahaa kalsoonida dadweynaha ee warbaahinta xilligan ay sii kordhayaan adeegsiga tiknoolajiyadda iyo barnaamijyada sirdoonka macmalka ah.

Ka qeybgalayaasha ayaa sidoo kale fursad u helay inay is-weydaarsadaan aqoonta iyo waayo-aragnimada la xiriirta horumarinta adeegyada dhijitaalka ah, iyagoo soo bandhigay fikrado iyo habab cusub oo lagu xallin karo caqabadaha ka jira dhinacyada ganacsiga, isgaarsiinta iyo adeegyada bulshada.

Shirka Global Digital Forum 2026 ayaa qeyb ka ahaa dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah ee dhanka tiknoolajiyadda, dhiirrigelinta hal-abuurka iyo kobcinta dhaqaalaha dhijitaalka ah.