Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Ahmed Bin Mohamed Al-Muwallad.
Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada warbaahinta, dhaqanka iyo dalxiiska, iyaga oo si gaar ah diiradda u saaray horumarinta baahinta warbaahinta iyo xoojinta barnaamijyada ku baxa afka Carabiga.
Wasiirka iyo Safiirka ayaa kormeer ku sameeyay xarumaha warbaahinta Qaranka, oo ay ka mid yihiin Telefishinka Qaranka, Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, Radio Muqdisho iyo kaydka taariikhiga ah ee Radio Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya taageerada ay la garab taagan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed.
Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Ahmed Bin Mohamed Al-Muwallad ayaa sheegay in dowladdiisu ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya, gaar ahaan horumarinta warbaahinta, dhaqanka iyo dalxiiska.





















