Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ee Golaha Shacabka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Guddiga kala hadlay dardargelinta howlaha Guddiga iyo dhammaystirka Hindise-Sharciyeedyada horyaalla, si loogu gudbiyo Golaha Shacabka, isagoo faray Guddiga inuu mudnaan gaar ah siiyo ka shaqeynta Shuruucda la xiriirta Xuquuqda Haweenka, Qoyska, Carruurta.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay in ay ka go’antahay xoojinta doorka Golaha Shacabka ee Sharci-dejinta iyo korjoogteynta, gaar ahaan ilaalinta xuquuqda Muwaadiniinta Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo dhowrista Xuquuqda iyo karaamada Muwaadin kasta, loona helo Caddaalad loo siman yahay.



