Wasaaradda amniga Galmudug oo ahmiyad siinaysa difaaca bulshada nugul

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ku soo gebagebeysay kulan wadatashi ah oo laba maalmood socday, kaas oo looga hadlayay wax-ka-qabashada tacadiyada ka dhanka ah bulshada nugul, iyadoo diiradda lagu saaray amniga, bedqabka iyo ilaalinta bulshada.

Kulanka waxaa ka qeyb galay hay’adaha ka shaqeeya dhowrista iyo ka hortagga tacadiyada, waxaana ka mid ahaa Wasaaraddaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka, Cadaaladda, Arrimaha Gudaha, Xeer-ilaalinta, Ciidanka Booliska Galmudug, Xafiiska Amniga Galmudug, iyo hay’adaha bulshada rayidka ah.

Ka qeyb-galayaashu waxay isla garteen in la dhiso madal mideysan oo isku-dubarida taasoo sahlaysa wada-shaqeynta hay’adaha ku howlan ka hortagga iyo wax-ka-qabashada tacadiyada ka dhanka ah bulshada nugul.

Sidoo kale, waxaa lagu heshiiyey in hawshan la gaarsiiyo dhammaan degmooyinka Galmudug, si loo helo siyaasad mideysan oo ilaalisa bedqabka bulshada nugul.