Danjiraha JFS ee Dalka Sacuudiga oo booqday Xarunta Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga

Danjiraha Safaaradda JFS ee Dalka Sacuudiga Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan ayaa Maanta wuxuu Booqasho Shaqo ku tagey Xarunta Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga ee loo soo gaabiyo (SDF), halkaas oo uu ku soo dhaweeyey isla Markaana wado hadalo ku yeesheen Madaxa Sanduuqa Horumarinta Mudane Sultaan Al-Marshad.

intuu socdey kulanku waxay labada dhinac ka wada hadleen mashaariicda horumarinta ee Sanduuqu ka wado Dalkeena Soomaaliya iyo kuwa u Qorsheysan ee mustaqbalka dhaw laga fulin doono Dalka.

Safiirka ayaa dhiniciisa uga mahad-celiyey dadaallada uu Sanduuqu ka wado dalkeenna, islamarkaana wuxuu soo bandhigey mashaariicda iyo qorshayaasha hor-tabinta u leh dalka iyo dadka soomaaliyeed isagoo ku dhiiri galiyey Sanduuqa in ay sii laba jibaaraan dadaalkooga.