Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Safiirka Dowladda Norway u qaabilsan Soomaaliya, Kenya iyo Seychelles

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Dowladda Norway u qaabilsan Soomaaliya, Kenya iyo Seychelles, Siv Cathrine Moe, iyo xubno sare oo ka socday safaaradda.

Kulanka Wasiirka iyo Safiiradda ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Norway, gaar ahaan horumarinta dhaqaalaha dalka iyo dardargelinta dib-u-habaynta muhiimka ah ee hannaanka maaliyadda.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay sii xoojinta iskaashiga horumarineed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Norway, si loo taageero koboc dhaqaale oo waara iyo horumarinta dalka.

FB_IMG_1791009403999.jpgFB_IMG_1791009406836.jpgFB_IMG_1791009408732.jpg