Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoomiyey kulanka Guddoonka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Ahna Guddoomiyaha Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Bulshada Bariga Afrika Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa shir guddoomiyey kulanka 21-aad ee Guddoonka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika (EAC) kaas oo lagu qabtay magaalada Arusha ee Dalka Tanzania.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga baarlamaannada, horumarinta diblomaasiyadda baarlamaaniga ah, is-weydaarsiga khibradaha, iyo xaqiijinta in is-dhexgalka Bariga Afrika uu shucuubta Bariga Afrika u horseedo faa’iidooyin la taaban karo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa xubnaha kale ee kulanka ka qeyb galay la wadaagay horumarka uu sameeyey Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dowlad-dhiska, dhameystirka iyo ansixinta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, amniga iyo sarreynta sharciga, maamulka maaliyadda guud iyo sidoo kale horumarinta dhaqaalaha, isagoo tilmaamay in Golaha Shacabka uu ansixiyey in ka badan 56 sharci iyo 18 qaraar.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa tilmaamay in himilada Golaha Shacabka ay tahay in si buuxda uu u guto waajibaadka dastuuriga ah ee saaran, gaar ahaan sharci-dejinta iyo korjoogteynta, inuu u adeego danaha Shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana uu gacan ka geysto xoojinta iskaashiga iyo is-dhexgalka Bulshada Bariga Afrika.

Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa carabka ku adkeeyey in mustaqbalka Bulshada Bariga Afrika uu ku tiirsan yahay iskaashi xooggan, hay’ado adkaysi leh iyo baarlamaanno si wax-ku-ool ah uga shaqeeya danaha iyo himilooyinka shucuubtooda, sidoo kalena Soomaaliya ay ka go’antahay inay kaalinteeda si buuxda uga qaadato sidii loo xaqiijin lahaa.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in iyadoo arrimahaasi laga duulayo Soomaaliya ay ku faraxsan tahay inay xaqiijiso diyaar-garowgeeda lu aaddan martigelinta Kulanka 22-aad ee Guddoonka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo lagu qaban doono Caasimadda Dalka ee Muqdisho dhammaadka bisha Janaayo ee sanadka 2027.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho lagu soo dhoweeyo Guddoonka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bulshada Bariga Afrika, si loo xoojiyo dadaalada wadajirka ah ee ku aaddan dhismaha Bulshada Bariga Afrika oo mideysan, barwaaqo ah, kuna naaloota nabad waarta.

FB_IMG_1791008623850.jpg

 

FB_IMG_1791008618358.jpg