Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka Xasan Aadan Xooshoow,ahna la taliyaha dhaqaalaha ee madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah la qaatay Guddoomiya Golaha Qaranka Dhaqaalaha ee Dalka Aljeeriya Prof. Mohamed Boukhari .
Kulanka dhinacyadaasi oo ka dhacay caasimadda Aljeris ayaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dalka iyo sii ambaqaadidda barnaamjyada kutalagal ee u qorsheysan Soomaalia iyo Aljeeriya.
Mudadii uu socday kulankaasi waxaa la kala saxiixday heshiis iskaashi oo ay ku jiraan isdhaafsiga khibradaha,cilmi baarisyada iyo abuuridda fursado shaqo iyo kuwo maalgashi.
Kulankaasi u qabsoomay guddoomiyaasha golaha dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Aljeriya waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya e Dalka Aljeeriya Yuusuf Axmed Xasan.

