Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle u diray Hambalyo ku aaddan Doorashooyinka isku sidkan ee mar qura ka wada dhacaysa Labada Dowlad Goboleed.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale si weyn u bogaadiyay Kumanaanka Muwaaddin ee ku nool Gobollada, Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Sh/dhexe, kuwaas oo ka qayb qaatay geeddi socodka Taariikhiga ah.

