SoDMA iyo Iskaashatooyinka Soomaaliyeed oo ka wada hadlay xoojinta wax-soo-saarka Dalka

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Xarunta Hay’adda  ku qaabilay Guddiga Ururka Dhaqdhaqaaqa Iskaashatooyinka Soomaaliyeed (UDHIS), oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga, Mudane Aded Osman Shurie.

UDHIS wuxuu ka kooban yahay lix urur oo kala ah: Ururka Iskaashatooyinka Gaadiidka iyo Dhismaha, Ururka Iskaashatooyinka Kalluumeysiga, Ururka Iskaashatooyinka Warshadaha iyo Farsamada Gacanta, Ururka Iskaashatooyinka Macaamiisha iyo Adeegyada, Ururka Iskaashatooyinka Xoolaha, Dhirta iyo Fooxa, iyo Ururka Qaranka ee Iskaashatooyinka Beeraha.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta Xirfadaha iyo wax-soo-saarka Dalka, abuurista Fursado Shaqo, iyo taageeridda dadaallada lagu yareynayo Shaqo la’aanta iyo Tahriibka, si loo dhiso Bulsho iyo dal u adkeysan kara caqabadaha soo food-saara.

Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sidii Ururka Iskaashatooyinka Soomaaliyeed ay door muuqda uga qaadan lahaayeen Gurmadka iyo Gargaarka Bulshada marka ay Dalka ka dhacaan Xaaladaha Musiibooyinka, iyo xoojinta Iskaashiga Hay’adaha Dowladda iyo Iskaashatooyinka.