Jowhar-(Wargeyska Dalka)-Shacabka Hirshabeelle ayaa Maanta u dareeray Goobaha cod-bixinta si ay qeyb uga noqdaan Doorashada Taariikhiga ee Qof iyo Codka taas oo uu jaan-goynteeda lahaa Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ahna Musharaxa JSP ee Hirshabeelle ayaa ka mid ahaa Dadka ka codeeyay Magaalada Jowhar.
“Dhammaanteen ayay Taariikh inoo tahay, waa guul u soo hoyatay Bulshada Hirshabeelle in Maanta codkooda ay dhiibanayaan.”
12 Degmo oo Hirshabeelle ah ayay Maanta ka dhaceysaa Doorashada Qof iyo Codka.

