Bulshada Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka u dareeray Goobaha Codbixinta

Kumannaan Dadweyne ah oo ku kala sugan Degmooyinka Labada Maamul ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe ayaa saaka u dareeray Goobaha Codboxonta ee loogu talagalay in ay ka dhacaan Doorashooyinka Galmudug iyo Hirshabeelle.

Doorashada Qof iyo Codka ah ee ka socota Degmooyinka Goboladaasi waxaa ka qeybgalaya xisbiyo badan oo u tartamaya hoggaaminta Golayaasha Deegaanka iyo kan Maamul ee Galmudug iyo Hirshabeele.

Dad aad u badan oo ka kala socday qeybaha Bulshada ayaa saaka Codkooda ka dhiibtay Doorashada isku sidkan ee loo qorsheeyay Galmudug iyo Hirshabeelle.

Xaaladda Goobaha ay ka dhacayaan Codbixinta ayaa aad u dagan,iyadoo si weyn loo adkeeyay Amniga guud ahaan Degmooyinka Goboladaasi.