Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo saaka looga dareeray degmooyinka iyo deegaannada labada dowlad goboleed.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Galmudug oo ay doorashadu tahay ku celis ay seejooyinka yaallaan 11 degmo, halka Hirshabeelle oo ay tahay markii ugu horreeysay la geeyay sanaaddiiqda 10 degmo, wuxuuna faray guddoomiyuhu shacabka ku dhaqan labada maamul ee haysta kaararka in ay si habsami leh ugu qayb qaataan doorashooyinkan isku sidkan si ay codkooda ugu ciil baxaanna ay doortaan cidda ay rabaan.

Dhammaan goobaha ay ka socoto codeynta ayaa la xaddiday dhaqdhaqaaqyada gaadiidka, iyadoo amnigana aad loo adkeeyay.