MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO BOOQASHO SHAQO KU TAGAY DALKA ITOOBIYA

Addis Ababa-(Wargeyska Dalka)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho shaqo oo Hal Maalin ah ku tagay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya, halkaasi oo uu kulan muhiim ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Dalkaasi, Mudane Abiy Ahmed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Labada Dal iyo xaaladda Amni iyo Siyaasadeed ee Gobolka, gaar ahaan muhiimadda ay leedahay Horumarinta Iskaashiga Dalalka Gobolka si loo ilaaliyo Nabadda iyo Xasilloonida Geeska Afrika.