Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo xiray Dufcaddii 12-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo la baray Xeerka ciqaabta , xuquuqda aadanaha, xirfado kala duwan oo caafimaadka iyo isgaarsiinta ka mid tahay, cilad bixinta hubka , iyo xeeladaha dagaalka ee tabaha kala duwan ah
Raโiisul Wasaaraha, oo ay wehlinayeen Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ciidanka ku bogaadiyey dadaalka iyo adkaysiga ay muujiyeen muddadii ay ku jireen tababarka, isaga oo kula dardaarmay in aqoonta iyo xirfadaha ay barteen ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed iyo difaaca dalkooda.
Mudane Xamsa, ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siinayso dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo leh tababar, tayo iyo awood ay si buuxda ugu gudan karaan waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday.
Waxa uu sidoo kale ku boorriyey ciidanka cusub in ay ilaaliyaan sharcjga, ayna noqdaan kuwo ku suntan waddaniyad, daacadnimo iyo u heellanaanta difaaca dalka, si looga guuleysto kooxaha Khawaarijta ah iyo cid walba oo dalkooda u diiddan nabadda iyo horumarka ay u baahan yihiin shacabka Soomaaliyeed.
Intii ay socotay munaasabadda, ayaa lagu soo bandhigay xirfadaha iyo aqoonta ciidan ee ay muddada tababarka ku qaateen ciidanka ka tirsan dufcaddan, kuwaas oo loo diyaariyey gudashada waajibaadka qaran ee ku aaddan difaaca dalka, sugidda amniga iyo la-dagaallanka kooxaha argagaixisada ah ee diiddan nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya.







