Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa qaabilay Taliyaha Taliska Hawlgallada Wadajirka ah ee Taliyaaniga, S/Guud Giovanni Maria Iannucci, oo uu wehliyo Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Pier Mario Daccò Coppi, kaas oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee dhinacyada difaaca iyo amniga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Taliyaaniga. Sidoo kale, waxaa si gaar ah looga wada hadlay isbeddellada amni ee ka soo cusboonaaday gobolka, gaar ahaan xaaladda Badda Cas iyo saameynta ay ku yeelan karto amniga Soomaaliya iyo gobolka, iyo sidoo kale isu-socodka ganacsiga caalamiga ah.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta ku aaddan ka hortagga khataraha wadajirka ah iyo sidii loo sii joogteyn lahaa taageerada istaraatiijiga ah ee Taliyaanigu siiyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.






