Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay wafdi ka socda Dalka Talyaaniga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo saraakiisha Ciidamada ee Dalka Talyaaniga.

Wafdiga oo uu hogaaminayay Taliyaha Taliska Hawlgallada Wadajirka ah ee Talyaaniga S/Guud Giovanni Maria Iannucci,waxaa ku wehelinaayey Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mudane Pier Mario Daccò Coppi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga laba-geesoodka ah ee ku qotoma arrimaha amniga iyo difaaca.

Wasiirka ayaa bogaadiyey taageerada Midowga Yurub, gaar ahaan Dowladda Talyaaniga oo xil iska saartay dib-u-dhiska ciidanka, isagoo intaa raaciyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda taageeradaas, si loo xoojiyo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku aadan soo celinta xasilloonida dalka.

wg2.jfifwg3.jfif