Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay la yeeshay Dhaxal-sugaha Dowladda Kuwait, Sheekh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah.
Kulanka ayaa lagu lafa-guray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada muhiimka u ah horumarka iyo danaha labada shacab, xaaladda gobolka iyo isbeddellada amni ee ka jira Bariga Dhexe.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda uu xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Kuwait u leeyahay labada dal, isaga oo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo xoojinta iyo ballaarinta iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada amniga, diblomaasiyadda iyo horumarka.





