
Gabi ahaanba waxa burbur iyo baa’ ba qarka u saaran Kooxda Argagixisada ah ee Ashabab oo culays Militari kala kulmaya Dowlada Soomaliya iyo Saaxiibadda Caalamka, gaar ahaan Dowladda Mareykanka’ sidoo kale Maamulladda Hirshabbeelle iyo Jubbaland ayaa hawlgalllo Amni Xaqiijin ah ka wado guud ahaan Deegaannaddooda.
Waxaa sii adkaanaya xaaladda Kooxda, iyadoo Ciidamo Soomaaliyeed iyo Saaxiibbada Amniga’ ay cadaadis joogto ah ku hayaan awooddeeda dagaal’ duqeymaha Maraykanka iyo hawlgallada Dhulka ayaa sababay khasaare soo noqnoqda, gaar ahaan marka la beegsado Hoggaanka iyo Xarumaha ay Kooxdu ku abaabusho weerarradeeda.
Waxa ugu daran ee Al-Shabaab Maanta horyaalla ma aha oo keliya khasaaraha Dagaalyahannada’ waa burburka rajada ay ku qancisay Xubnaheeda Dagaalyahankii loo sheegay in guushu dhow dahay wuxuu arkayaa Saaxiibbadiis oo midba midka kale ka dambaynayo lagu waayayo furimaha’ Hoggaamiyihii loo sheegay inuu yahay mid aan la gaari karin wuxuu noqon karaa bartilmaameed Goobtii loo sheegay inay tahay meel Ammaan ahna waxay noqon kartaa meel laga waayo Xubno badan.
Seddex Sano oo Dagaal ah waxay Kooxda siisay fariin aan la iska indho tiri Karin, dhiig badan oo la daadiyo macnaheedu ma aha Guul Dagaal aan dhammaanayn wuxuu dhalin karaa oo keliya dhimasho, burbur iyo Jiilal Mustaqbalkooda ku waaya Colaadda, Qof kastana oo weli Kooxda ku jira waa inuu is weydiiyaa Su’aal fudud.Haddii Sannado Badan oo Dagaal ah ay keeneen oo keliya Khasaaro iyo Dhimasho, maxaa ka dhigaya in Sannadka xiga uu si Mucjiso ah u keeno Guul?
Al-Shabaab Maanta waxay u baahan tahay inay eegto xaqiiqada, ee aysan ku noolaan Sheekooyin Guul oo aan dhammaad lahayn. Furimaha Dagaalku ma aha meel halyeeynimo lagu dhiso, waa meel Nolosho lagu waayo, Qoysas ayaa Wiilashooda waaya, Carruur ayaa Waalidkood waaya, Bulshaduna waxay bixisaa qiimaha Dagaal aan dhammaaneyn.
Fariinta ugu xooggan waa tan qofka Hubka dhiga wuxuu badbaadin karaa Noloshiisa iyo Mustaqbalkiisa, Qofka Dagaalka sii wada wuxuu halis gelinayaa inuu noqdo Magac lagu xuso Liisaska Khasaaraha, halka Kooxda uu u dagaallamayay ay berri sii wadi karto Dagaalkeeda, iyadoo aan xitaa xusuusan Qofkii Naftiisa u huray.
Aan u gudubno Dulucda Maqaalka oo ah Hoggaamiyayaashii Kooxda Al-shabaab ee la dilay, waxaana ku bilaabeynaa Dhiigyacabkii Aden Xaashi Ceyroow iyo halistii Al-Shabaab.
1.Aden Xaashi Faarax Ceyroow wuxuu ahaa mid ka mid ah Hoggaamiyeyaashii ugu horreeyey ee Al-Shabaab iyo Shakhsi door weyn ku lahaa kobcintii Kooxdii hubaysnayd ee Soomaaliya haligtay, waxaana lagu eedeeyey xiriirro uu la lahaa Shabakadda Al-qaacida iyo dhaqdhaqaaqyada Jihaadiga ah ee Caalamiga ah.
Ceyroow waxaa lagu dilay 1-dii May 2008-dii, kadib duqeyn ay Ciidamada Maraykanku ka fuliyeen Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galguduud, Maraykanku wuxuu u arkayay inuu ahaa Shakhsi muhiim ah oo khatar ku ah Amniga Soomaaliya iyo danaha Caalamiga ah.
Halistii Ceyroow kuma koobnayn fikirkiisa xagjirka ah oo keliya wuxuu door ka qaatay dhismaha Koox markii dambe noqotay mid ka mid ah Kooxaha Argagixisada ugu khatarta badan Gobolka. Al-Shabaab waxay Sannado badan Shacabka Soomaaliyeed ku haysay cabsi, iyadoo adeegsanaysay Qaraxyo, Dilal, Afduub iyo cabsi-gelin, waxaana si gaar ah loo dhaleeceyn karaa in Al-Shabaab ay Magaca Diinta u adeegsatay inay ku marmarsiyootaan rabshado lagu dilayo Soomaali aan waxba galabsan. Kooxdu waxay dhaawac weyn u geysatay Nabadda, Dhaqaalaha, Waxbarashada iyo Mustaqbalka Dhallinyarada Soomaaliyeed.
Dhimashadii Ceyroow waxay meesha ka saartay Hoggaamiye muhiim ah, balse ma aysan tirtirin Al-Shabaab, Taariikhdiisu waxay tusaale u tahay sida xagjirnimada iyo Argagixisadu aysan xal u noqon karin dhibaatooyinka Soomaaliya, balse ay sii kordhiyaan burburka iyo dhibaatada Shacabka.
2. Hoggaamiyihii ugu awoodda badnaa uguna naxariista darnaa ee kooxda Alshabab, Axmed Cabdi Godane wuxuu dhashay 10 Luulyo 1977-dii Magaalada Hargeysa Kadib Waxbarasho ayuu ku soo qaatay Pakistan iyo Sudan kadibna wuxu aaday Dalka Afghanistan, halkaas oo uu Tababar Ciidan iyo Farsamooyinka samaynta Walxaha Qarxa sida budooyinka TNT IYO RDX kusoo qaatay Xerada Tababarka ee Ururka Al-Qaacida.
Markii uu Soomaaliya ku soo laabtay wuxuu ka shaqeynayay Xawaaladda Al barakaat ee Magaalada Hargeysa, kadib wuxuu si hoose u abaabulay Koox Xagjir ah oo hubeysan , wuxuna ka mid noqday aas-aasayaashii Al-Shabaab Sannadkii 2008-dii ayuu hoggaanka Kooxda la wareegay kadib Geeridii Mujrim Aadan Xaashi Cayrow, kadib Sannadkii 2012-Kii wuxu ku dhawaaqay in Al-Shabaab ay ku biirtay Ururka Xagjirka ah ee Al-Qaacida Isla Sannadkaas Mareykanka ayaa Madaxiisa dul dhigay Abaalmarin dhan $7 milyan
Mudadii uu hoggaanka haayay wuxu amray weerarro badan oo lagu qaaday Shacabka, Xarumo Dowladeed, Isbitaallo, Jaamacado iyo Suuqyo ku yaalla Muqdisho.
Godane wuxuu ahaa Qof aad u dhuuman jiray, aan sawirro iska qaadi jirin, kana fogaan jiray Tiknoolajiyadda iyo Isgaarsiinta Casriga ah, wuxuuna sidoo kale dhisay Amniyaadka, kuwaas oo beegsan jiray Cid kasta oo ka hor timaada isaga, isagoo Kooxda ku Maamulayay Cabsi iyo Dilal joogto ah, wuxuuna isku dayay in uu Kooxda awood ku Maamulo, wuxuuna diiday System kii Golaha Shuurada, kadib waxa ka hor yimid Ibrahim Afghani iyo Al-amriki oo ahaa Madaxya weyntii Kooxda aas aastay, kadib iyagiina waa dilay.
Si loo helo xogtiisa, NISA iyo CIA’da waxay adeegsadeen xeelado Sirdoon oo kala duwan, waxayna ka faa’iidaysteen khilaafkii xoogganaa ee ka dhex dhacay Kooxda intii u dhaxaysay 2013–Kii iyo 2014-Kii markii Godane uu dilay Ibrahim Al-Afghani, iyo Al amriki, halka Mukhtar Roobow iyo Saraakiil kale ay baxsadeen Dad Kooxda dhexdeeda ku jiray ayaa loo soo bandhigay dalabaad, wayna aqbaleen wada shaqeynta iyaga iyo Sirdoonka xitaa waxa ku jiray qaar ka mid ah ilaalada u dhawaa Godane.
kadib, howlgalkii Operation Indian Ocean oo ay qaadeen AMISOM iyo Dowladda ayaa Al-Shabaab looga saaray Magaalooyin badan oo Xeebaha ku yaallay, taas oo ku qasabtay Godane inuu ka soo baxo Saldhigyadiisii waa-weynaa, kuna dhuunto Howdka fog ee Degmada Sablaale ee Gobolka SHabeelada Hoose, si uu ula kulmo Saraakiishiisa iyo Hogaanka Shabeeleda Hoose.
Inkastoo uusan Telefoon isticmaalin, Sirdoonku wuxuu daba galay Qalabka Isgaarsiinta ee Dadka saadka u qaabilsanaa, sida Numberkooda iyo Telefoonkodda, taas oo sahashay in la ogaado Goobta uu ku sugnaa. 1-dii Sebteembar 2014-Kii Godane wuxuu Sablaale kula shirayay Taliyayaasha Sare ee Al-Shabaab, wuxuuna gacanta ku hayay Khariidadaha dagaalka, isagoo bixinayay amarro ku saabsan Weerarro Rogaal-celis ah iyo sidii loo joojin lahaa horusocodka Ciidamada Dowladda iyo AMISOM, isla markaana xallinayay khilaafkii ka dhex jiray kooxda maadama ay daciifeen 65% Isla Maalintaas Sirdoon Dhulka joogay oo isugu jiray Saraakiil Dowladda ka tirsan iyo Dad Deegaanka ah ayaa la socday dhaqdhaqaaqa Laba Baabuur oo Surf ah Waxay soo gudbiyeen xog sheegaysa in mid ka mid ah Baabuurta uu la socdo Abuu Nuur, oo ahaa Darawalkii Gaarka ahaa ee Godane. Markii xogtaas la xaqiijiyay waxaa si buuxda loo ogaaday in Godane Goobta ku sugan yahay 100%.
Qiyaastii 6:20 Fiidnimo, markii Kulankii dhammaaday oo ay Baabuurtii Dhaqaaqeen, iyaga oo maraaya howdka Degmada Sablaale Darawalka Gaariga ayaa maqlay Guux Gaariga ayuu istaajiyay Guuxa uu maqlay waa Diyaaradda MQ-9 REAPER oo kaso kacday jabuuti, kadib Diyaaradii ayaa beegsatay Kolonyada, Gantaallada Hellfire ayaa si toos ah ugu dhacay Baabuurkii uu saarnaa Godane, waxaana halkaas ku nafwaayay Axmed Cabdi Godane, Abuu Nuur (Darawalkiisii Gaarka ahaa), Cabdullaahi Annanoo (Horjooge Sare oo Amniyaadka ka tirsanaa) iyo Seddex Ilaalo oo Gaar ah, waxaana jiray kuwa qaar oo Howdka galay, balse iyagana mid mid ayay Diyaaradda u ugaarsatay.
3. Fasul Cabdullah Maxamed (Fasul), waxa uu isna ahaa Howl-wadeen Sare oo Al-qaacida ah oo ku sugnaa Soomaaliya, kana tirsanaa Ururka Al-Shabaab Sannadkii 2008-dii ayuu Mareykanku duldhigay Adduun Lacageed iyo Abaalmarin gaaraysa $5 milyan oo Dollar, isagoo lagu eedeeyay doorkii uu ku lahaa Qaraxyadii Safaaradaha Mareykanka ee Dalalka Kenya iyo Tanzania 1998-kii.
Abuu Fasul, 8-dii Juun 2011-kii ayaa lagu dilay isagoo Xili Habeenimo ah Gaari ku maraya Agagaarka Ex-Control, isagoo si khalad ah ugu dhacay Bar-koontarool ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya joogeen, Ciidamadu waxay sheegeen in markii Gaariga la joojiyay ay dhacday Rasaas is-weydaarsi, halkaasna lagu dilay Fasul iyo Qof kale oo la socday, iyadoo markii hore Ciidamadu aysan garan Qofka uu yahay, maadaama uu watay Baasaboor Koonfur Afrika ah oo Been-Abuur ah, markii dambe ayaa baaritaan lagu xaqiijiyay Aqoonsigiisa, iyo Qofka uu yahay.
Fasul Cabdullah Maxamed wuxuu ahaa Nin u dhashay Jasiiradaha Comoros, waxaana lagu sheegay inuu ku dhashay Moroni Caasimadda Comoros, sidda lagu caddeeyay Dukumentiyo laga helay Jeebkiisa dambe.
La soco Qeybta 2-aad.


