๐‘๐š,๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‹๐š๐›๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐ ๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐ฌ๐ก๐ข๐ซ ๐ฅ๐š๐ ๐ฎ ๐š๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ก๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ž๐ž ๐„๐ฅ ๐๐ข๐งฬƒ๐จ

Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi , ayaa guddoomiyay Kulan heer Wasiir ah oo diiradda lagu saaray u-diyaargarowga El Niรฑo 2026โ€“2027 iyo xoojinta isku-duwid ay Dowladda u dhantahay.

Kulanka waxaa lagu soo bandhigay Qorshaha Qaran ee U-diyaargarowga El Niรฑo 2026โ€“2027, oo ah qorshe mideynaya dadaallada iyo Mas’uuliyadaha Hayโ€™adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-Goboleedyada iyo Dowladaha Hoose, si loo xaqiijiyo diyaar-garow isku-duwan oo ay asaas u tahay saadaasha iyo digniinta.

Qorshaha Qaran ee U-diyaargarowga El Niรฑo ayaa Maanta la ansixiyay, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan Hayโ€™adaha ay si Wadajir ah uga shaqeeyaan diyaar-garowga, tallaabooyinka horudhaca ah, ka jawaabida iyo soo-kabashada.

Qorshahan ayaa xoojinaya Isku-duwid ay Dowladda u dhantahay, nidaamyada digniinta hore iyo la socodka Khataraha, iyo Ilaalinta Dadka, Xoolaha, Beeraha, biyaha iyo kaabeyaasha muhiimka ah.

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ku adkeeyay dhammaan hawl-wadeennada in awaamiirtan si hufan oo degdeg ah loo fuliyo, si loo xaqiijiyo isku-duwidda shaqada, isla-xisaabtanka iyo dardargelinta natiijooyinka la filayo.