Dowladaha Soomaaliya iyo Kuwait oo iska kaashanaya la dagaallanka Musuq-Maasuqa

Kuwait City-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa Kulan muhiim la yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda La-dagaallanka Musuqmaasuqa ee Dowladda Kuwait, Marwo Rana Al-Fares.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta Iskaashiga Labada Dal, is-dhaafsiga Khibradaha iyo habraacyada la xiriira ka-hortagga iyo la-dagaallanka Musuq-Maasuqa, dhisidda awoodda Hay’adaha iyo kor u qaadidda hufnaanta iyo isla-xisaabtanka Dowladda.

Marwo Rana Al-Fares ayaa soo jeedisay in labada Dawladood ay xoojiyaan Khibrad-wadaagga iyo is-dhaafsiga Aqoonta si looga faa’iidaysto Khibradaha iyo habraacyada wax-ku-oolka ah ee la-dagaallanka musuqmaasuqa.

Wasiirka ayaa soo dhaweeyey soo jeedinta, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay Iskaashi joogto ah, Tababarro iyo dhisidda awoodda Hay’adaha si loo xoojiyo dadaallada ka-hortagga Musuq-Maasuqa.