Muqdisho-(Wargeyska Dalka)-Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS, Cali Yuusuf Cali Xoosh, ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF 2026), oo ay soo agaasintay Hay’adda SoDMA.
Madasha waxaa ka qeybgalaya Guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle, Hay’adaha Dowladda, Dowlad-Goboleedyada, Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxalliga ah, Safiirro iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah, iyadoo diiradda lagu saarayo Shirkaan xoojinta Gurmadka Bani’aadannimo iyo isku-dubbaridka dadaallada loogu diyaar-garowga xaaladaha Degdegga ah.

