Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay furitaanka shirka 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay furitaanka Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, oo ka socota xarunta Qaramada Midoobay, magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa madasha Golaha Guud ku soo bandhigaya horumarka Soomaaliya ka samaysay dhinacyada dowlad-dhiska, dimuqraadiyeynta, amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada, isagoo sidoo kale ka hadli doona mudnaanta Soomaaliya iyo dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo iskaashiga caalamiga ah.