Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-Cadaala), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo dhammaan hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii, ehelkii, qaraabadii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Weriye Maxamed Aweys Muudey (Boqorka Bartamaha) oo ka tirsanaa bahda Warbaahinta Qaranka.
Boqorka Bartamaha wuxuu ahaa Weriye ruugcadaa ah oo burburkii dalka ka hor iyo kadiba ka tirsanaa Warbaahinta Qaranka, waxaa la xaqiijiyey caawa in nin Middi ku hubeysan uu ku dilay dalka Jarmalka oo sanadihii dambe uu ku noolaa
Wasiir Cabdulfitaax Qaasim ayaa Alle SWT uga baryay Marxuum Maxamed Aweys Muudey inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, qoyskii, ehelkii, qaraabadii, bahda saxaafadda iyo dhammaan umadda Soomaaliyeedna ka siiyo samir iyo iimaan.
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

